Doodda sheegaysa in doorashada Soomaaliya ay tahay mid horseedi doonto qalalaase sharciyadeed (legitimacy crisis), waxay ku dhisan tahay aragti aad u feejigan oo ka baqdin badan ka qabta xaqiiqooyinka jira. Inkasta oo feejignaantu ay tahay mid la fahmi karo marka la eego sooyaalka adag ee dalku soo maray, haddana rajo-xumada xad-dhaafka ah waxay qarinaysaa horumarka dhabta ah, kartida bulshada Soomaaliyeed, iyo fursadaha jira. Halkii 2026 loo arki lahaa burbur soo socda, waa in loo arkaa marxalad adag balse la gaari karo oo ka mid ah safarka dheer ee dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Cod-bixinta guud (one person, one vote) ma aha eray siyaasadeed oo lagu gambado; waa himilo qaran oo ay wadaagaan inta badan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, haweenka, bulshada rayidka ah, iyo qurba-joogta. Dal ay in ka badan 70% dadkiisu ka yar yihiin 30 sano, nidaamyada dadban ee jira, waxa ay u muuqdaan kuwo duugoobay oo xaddidaya ka-qaybgalka da’ yartaas.
In ay jiraan khilaafaad siyaasadeed ma burinayso ujeeddada dimuqraadiyadeed. Dalal badan oo dagaallo ka soo kabanayay ayaa doorashooyin qabtay iyagoo wajahayey khilaaf, amni-darro, iyo hay’ado tabar-daran. Sugitaanka xaalad qumman ama waqti munaasab oon la ogeyn xilliga ay tahay waxay khatar ku tahay in kala-guurku noqdo mid aan dhammaad lahayn. Dadaalka Soomaaliya ee ka gudbidda doorashooyin ay kaliya hoggaamiyaashu maamulaan waa tallaabo lagama maarmaan ah—xitaa haddii ay halis waddo.
Waxaa la yiraahdaa Soomaaliya weli uma diyaarsana hay’ad ahaan. Laakiin hay’adaha laguma dhiso meel maran; waxay ku kobcaan adeegsiga ama dhaqangelinta. Sharciyada doorashada, guddiyada, iyo nidaamka xisbiyadu waxay marayaan tijaabo iyo sixid. In la diido hay’ado cusub kaliya loo sababeynayo xukuumadda hebel ayaa bilaawday, waxay iska indho-tiraysaa xaqiiqda ah in dhammaan hay’adihii horeba ay ku dhasheen hannaan muran iyo qalad leh.
Halka lagu eedayn lahaa ujeeddo xun, waxaa ka wax ku oolsan in la dalbado daahfurnaan, kormeer madax-bannaan, iyo taageero farsamo oo caalami ah—si hay’aduhu u xoogaystaan inta ay shaqeynayaan.
Hanjabaadda amni weli waa mid dhab ah, hase yeeshee, Soomaaliya hore ayay u qabatay hannaan siyaasadeed xilli amni-darro jirtay—doorashooyin, wadatashiyo dastuur, iyo heshiisyo federaal. Amniga waligiis ma noqon mid dhammaystiran, haddana dowladnimadu way socotay.
Waxaa intaa dheer, awoodda ciidammada amniga maanta way ka sarreysaa tii toban sano ka hor: isku-duwid wanaagsan, gacanta lagu hayo magaalooyin waaweyn, iyo kalsooni bulsho oo sii kordhaysa. Doorasho micne leh ma u baahna amni buuxa oo dalka oo dhan ah; waxay u baahan tahay amni ku filan xarumaha dadka iyo qorsheyn lagu yareeyo qatarta, kuwaas oo maanta la gaari karo.
Mucaaradku waa astaanta dimuqraadiyadda, ma aha fashil
Isu-ururinta mucaaradka iyo aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan ma aha calaamad burbur; waa astaanta kala-duwanaanshaha siyaasadeed. In siyaasiyiintu ku murmaan siyaasad iyo hannaan—ee aysan hub u qaadan—waa horumar marka loo eego waayihii hore.
Khilaafka ku saabsan nidaamka waa mid caadi ka ah dalalka kala-guurka ku jira. Muhiimadu waa in khilaafka lagu xalliyo wada-hadal, dhexdhexaadin, iyo heshiis. Soomaaliya marar badan ayay muujisay awood ay uga laaban karto meelaha qatarta ah marka dhibaatada siyaasadeed la fahmo.
Doorasho dadban kaliya ma aha xalka xasilloonida
Doorashooyinka dadban waxay keeneen xasillooni ku-meel-gaar ah, balse sidoo kale waxay xoojiyeen musuqmaasuq, gorgortan, iyo ka-go’naanshaha shacabka. Ku celcelinta nidaamkan si aan dhammaad lahayn waxay dhaawici kartaa sharciyadda dowladnimada.
Hab isku-dhafan—oo meelaha amniga leh lagu bilaabo cod-bixin toos ah, meelaha kalena lagu sii wado nidaam dadban—wuxuu isku dheellitiri karaa xaqiiqda dhabta ah iyo gaaridda horumar la taaban karo. Ballaarinta ka-qaybgalka si tartiib ah, ma aha halis indho-la’aan ah; waa habka ay dimuqraadiyadaha nugul ku bartaan una koraan.
Beesha caalamku door muhiim ah ayay leedahay, balse waa in ay ka gudubtaa maaraynta qalalaasaha oo u guurtaa taageeridda isbeddelka. Xaddididda adag oo ka dhan ah tijaabinta siyaasadeed waxay mararka qaar dhiirrigelinayaan carqaladaha iyo diidmo joogto ah.
Taageeridda dib-u-habeynta ay Soomaalidu hoggaaminayso—iyadoo la ilaalinayo kormeer madax-bannaan, hab-maareyn khilaaf, iyo xaqiijinta ka-qaybgalka haweenka iyo kooxaha la haybsooco—waxay xoojinaysaa madax-bannaanida qaranka.
In ka badan 25 sano, Soomaaliya waxay ka badbaadday saadaallo burbur. Waxay dib u dhistay hay’ado, soo celisay nidaam federaal, ku biirtay madalaha caalamiga ah, waxayna ilaalisay joogteyn siyaasadeed. Guulahan laguma gaarin ka fogaansho halis, balse waxaa lagu gaaray la tacaalid geesinimo leh iyo u bareerid.
Doorashada waa in loo arkaa imtixaan muujinaya bislaanshaha siyaasadeed ee Soomaaliya—ma aha burbur hor leh. Halista dhabta ahi ma aha isku dayga dib-u-habeyn, ee waa ku dhicidda cabsi, rajo-xumo, iyo kala-guur aan dhammaad lahayn.
Shacabka Soomaaliyeed waxay muujiyeen adkaysi, wacyi siyaasadeed, iyo rabitaan cad oo ah in codkooda la maqlo. Haddii la helo hoggaan mas’uul ah, wadahadal loo dhan yahay, iyo taageero caalami ah oo mabda’ ku dhisan, 2026 waxay noqon kartaa tallaabo kale oo aan qummanayn balse macno leh—oo horay u sii qaadda mustaqbalka Soomaaliya.
W.Q. Yusuf Shuqale
