Xanuunka beryahan dambe qabsaday warbaahinta, gaar ahaan Galbeedka, ee loo yaqaano Zika, ayaa cabsida saameyntiisa ay ku sii baaheysaa dunida, xilli, dalkeena uu halis ugu yahay xanuuno badan oo aysan jirin wasaarad caafimaad oo xakameyn karta, gaar ahaan gobolada ay webiyadu maraan, oo ay dhilmaanyadu ku badan tahay. Haddaba maqaalkeenan ayaan rabaa inaan si fudud oo kooban uga hadlo cudurkaas waxa uu yahay iyo sida dalkeena uu ku iman karo, ama aan uga hor tagi karno iyo waliba haddii uu dawo ama ka hor tag leeyahay.
Taariikhda xanuunkan waxaa markii ugu horeysay laga helay dalka Uganda sanadkii 1947-kii, ilaa xilligaana waa uu ka sii jiray Africa, iyo waliba qaaradda Asia oo uu ku yaraa. Sanadii 2007 ayaa uu si baahsan uga dillaacay jasiiradda la yiraahdo Yap ama Wa′ab oo ka tirsan Micronesia, waxaana uu markaasi haleelay 75% dadkii ku noolaa, tirada guud ee dadka reer Yab ayaa ahaa xilligaas 11 kun oo qof.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa sanadkii 2014 bishii Maarso shaacisay in dalka Chile laga helay xanuunkan, ayadoo dalka Brazil, isla sanadkaas bishii May laga helay, waxaana ilaa laga gaaro October sanadkii hore 2015 uu u sii gudbay dalal badan oo qaaradda Amerika ah. Brazil hadda waxaa uu haleelay in ka badan hal milyan oo qof. Waxaa la sheegay in ay ku dhasheen caruur yara dhiman, oo madaxoodu aad u yar yahay.
Astaamaha ugu waaweyn ee ilaa hadda la ogaaday ayaa ah in qofka uu dareemo xummad yar oo fudud, maqaarkana ku yeesha furuuruc. Kala-goysyada oo qofka xanuuna iyo qofka oo si guud u dareema in uusan fayoobeyn, waliba uusan garan karin waxa saxda ah ee qofka haya (Discomfort), waxaana la dareemaa 2 ilaa 7 beri ka dib marka ay dhilmaanyada sidda cudurka qaniinto qofka.
Zika waxaa uu qofka ugu gudbi karaa qaniinyada dhilmaanyadaas loo yaqaano ‘Aedes’. Inkastoo jidka uu ugu gudbo qofka ay tahay dhilmaanyada, hadda waxaa kaloo la sheegay in uu ku gudbi karo galmada, oo wali meelaha qaar su’aali ka joogto. Waxaa ka mid ah siyaabaha uu ku gudbo dhiigga la isku shubo. Waxaa jirta suurta-galnimada in hooyada uurka leh ay ilmaheeda u gudbin karto.
Ma jirto wax dawo ama tallaal ah oo cudurkan lagu daweyn karo, kaliya waxaa lagu talinayaa in qofku biyo aad u badan cabbo, oo uu iska ilaaliyo inuu fuuq baxo. Nasiino ayaa qofka qaba lagula taliyaa iyo inuu qaato xanuun baabi’iye.
Soomaaliya iyo Cudurkan Zika
Cudurkan marka waxa ay ku sheegaan inuu yahay Tropical Disease, ama cudur dhulalka kuleylaha ka jira, Soomaaliyana qeyb ayey ka tahay, laakin hadda waa cudur caalami ah. Cudurkan maadaama la yiri waxa faafiya dhilmaanyada, markaa waxaa aan halis ugu jirnaa in uu dillaaci karo, ilaaheey ha inaga badbaadiyee.
Meelaha ugu badan ama ugu daran ee dalkeena ayaa ah gobolada ay wabiyadu maraan, Shabeelle iyo Jubba. Laga soo bilaabo Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Gedo (Baardheere) iyo deegaano badan oo ka ag dhow. Taasoo ay u sii dheer tahay faya-dhowrka oo aad noogu liita.
Haddaba sideen uga hortagi karnaa ayaa ah su’aasha ugu muhiimsan. Waxaan uga hor tagi karnaa marka hore wacyi gelin iyo inaan ku baraarugsanaano, cudurkan, waxaana aan ku soo koobi karaa dhowr qodob oo fudud, haddii aan dhaqan gelino.
1 – Marka hore in wacyi gelin buuxda laga sameeyo deegaanada oo dhan, goobaha caafimaadka, waxbarashada, misaajidda iyo meelaha la isugu yimaado
2 – In laga fogaado meelaha ay biyuhu fadhiyaan iyo qashinku ay ka ag dhow yihiin; jiinka (hareeraha) wabiga, waraha, haamaha biyaha iwm.
3 – In biyaha meelaha bannaanka la dhigto ee la isticmaalo loo sameeyo dabool, lagana dhowro in hareeraha fuustooyinka biyaha ay dhiiqo iwm yeelato, si aysan dhimaanyadu ugu tarmin.
4 – In qashinka daadsan bannaanka guryaha aan lagu fiirsan, loona sameeyo meel gooni ah ama xiran inta laga qaadayo.
5 – In Guryaha la seexdo, daaqadaha lagu xiro shabaq si aysan dhilmaanyada uga soo galin iyo in la isticmaalo ‘Sisiyeeri’ ama shaqaba sariirta lagu xiro ee dhilmaanyada looga hortago.
6 – In la xirto dharka dhaadheer, sida surwaal dheer iyo funaado gacmo dheer ah iyo koofi, haddii aad meel ay ku badan tahay ka shaqeyso ama aad ku nooshahay.
Intaas waxa ay naga caawin karaan inaan yareyno ama aan u diidno in dhilmaanyadu na qaniinto ama nagu taranto maadaama cudurkan ay dhilmaanyadu u tahay ‘VECTOR’ ama uu ku faafo. Waxaa jirta wasaarad caafimaad oo dalkeena DF ugu magacaaban in ay howshaas qabato ama dadka ku wacyi geliso, laakiin nasiib darro, waxaaba suura gal ah in aysan xataa ka war heyn xaaladda cudur ama caafimaad ee dadka ay ugu magacaaban tahay.
Nasiibkeena ayaa halkaas na dhigay, laakiin xagga bulshada iyo isku xirnaan deegaan ahaan ayaan howlahaas uga gudbi karnaa haddii masaajidda, goobaha waxbarashada iyo xarumaha caafimaad laga sameeyo wacyi gelin. Sida Soomaalida caadada u ah maadama ay yihiin dad Muslim ah 100% waxaa ay musiibooinka sida cudurada ay ka aqrisan jireen qur’aan tiro badan iyo adkaaro, haddana sidaas ayaan rajeynayaa in bulshadu isugu xirnaan doonto ugana hortagi doonto musiibo kasta, ilaaheey ha i naga hayee. Aamiin.
W.Q. Yusuf Shuqale Hassan.
Twitter@shuqale
