About

Ku Ku Soo Dhawoow Shuqale.com

Magaceygu waa Yusuf Shuqale.

Shuqale.com ma aha oo kaliya bog qoraallo lagu daabaco. Waa meel aan ku baaro, ku falanqeeyo, kuna fahmo arrimaha saameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mustaqbalka.

Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya aysan u baahnayn hadal badan, balse ay u baahan tahay faham qoto dheer, nidaam, iyo xog sax ah.

Waxaan ka shaqeynayaa

  • In warbixinaha caalamiga ah ee laga qoro dalkeena aan akhriyo, fahmo, kadibna si fudud ugu soo bandhigo bulshada.
  • In arrin kasta laga eego dhinac kasta sida sooyaal ahaan, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo mustaqbal ahaan.
  • In doodaha laga saaro xamaasad iyo qabiil, laguna beddelo xaqiiqo iyo aragti ku dhisan cilmi.

Haddii dal uu doonayo inuu horumaro, waa inuu marka hore fahmaa meesha uu joogo.

Ujeeddadaydu waa:

  • In la dhiso maskax akhris iyo falanqayn jecel.
  • In dhalinyarada Soomaaliyeed ay bartaan inay war akhriyaan, wax isbarbardhigaan, oo su’aalo isweydiiyaan.
  • In dhaqaalaha, maalgashiga, iyo horumarinta dalka loo arko si istiraatiiji ah, oo aan uusan noqon mid degdeg ah iyo dareen ku dhisan.

Waxaan aaminsanahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xirnaan doono:

  • Sida ay u maamusho kheyraadkeeda
  • Sida ay u dhisto hay’adaha
  • Iyo sida ay u ilaaliso kalsoonida shacabka

Waxaad iga heli doontaa

  • Xog la hubiyay
  • Falanqayn madaxbannaan
  • Ixtiraam aragtiyaha kala duwan
  • Ka fogaanshaha dacaayad

Haddii aad qabto aragti teyda ka duwan, waa ku soo dhoweynayaa.
Horumarku wuxuu ku yimaadaa dood caafimaad qabta.

Mahadsanid booqashadaada.


Yusuf Shuqale
Faham dhis. Aragti kobci. Mustaqbal qorshee.

FB.com/shuqale

Welcome to Shuqale.com

My name is Yusuf Shuqale.

Shuqale.com is not just a blog. It is a space where I analyze, question, and explore the structural issues shaping Somalia’s present and future — particularly politics, economics, governance, and long-term development.

I believe Somalia does not suffer from a lack of talk. It suffers from a lack of structured thinking, institutional discipline, and fact-based analysis.

How I Think

I am deeply interested in:

  • Reading international reports written about Somalia and translating complex ideas into accessible language.
  • Examining issues from multiple angles — political, economic, historical, and strategic.
  • Moving discussions away from emotional reactions toward evidence-based reasoning.

No country develops through slogans. Development requires clarity, accountability, and long-term planning.

My Purpose

Through this platform, I aim to:

  • Encourage analytical thinking within the Somali community.
  • Simplify global research and policy discussions that affect Somalia.
  • Promote strategic conversations about governance, economic management, and national development.

I believe Somalia’s future will depend on:

  • How it manages its resources
  • How it builds credible institutions
  • How it earns the trust of its citizens

Core Values

  • Evidence over emotion
  • Strategy over slogans
  • Dialogue over division
  • Responsibility over propaganda

Constructive disagreement is welcome. Growth comes from critical thinking.

Thank you for visiting.


Yusuf Shuqale

FB.com/shuqale


Build understanding. Strengthen vision. Plan the future.

Scroll to Top