In badan oo nolosheena ka mid ah waxaan ku saleynaa oo aan isku howlnaa difaaca diinta iyo ka run sheegiddeeda. Waa wax qurux badan in bulshadeenu ahaato mid ku dhaggan dhaqankeeda oo ay kow ka tahay diinteeda Islaamka oo aysan marna u oggolaan in loo suuro xumeeyo ama ugu yaraan dano lagu fulisto, aan diinta waafaqsaneyn.

Haddaba dalkeena oo la yiraahdo Soomaaliya, magac kalena aan maanta lahayn, waxaa ku nool, inaga oo Soomaali ah, waxaa looga hadlaa afkeena oo ah Af-Soomaali, cid dhexdeena ku jirtaa oo nagu dhex nool ma jirto. Waxaan nahay oo ilaah nagu manneystay hal qoys oo midab iyo dhaqan iyo afba wadaaga, waxaana siyaado noo ah oo nimcada ugu weyn ee Aadane mideysa ah diinta, oo dhamaanteen naga dhaxeysa, kuna faaneyna maanta in aysan jirin beel Soomaaliyeed ama gobol Soomaaliyeed oo diin kale heysta (Ilaahey mahaddiis).

Nimcadaas qof waliba oo Soomaali ah wuu qirayaa, haddana, marka dadyowga kale ee dunida ay xaaladaheena daraaseeyaan waxa ay naga dhex helaan in aan meelo kala fog ka joogno is aaminaadda iyo is fahamka nolosha, maamul iyo madani mid waliba oo ay ahaato, waliba daraasaddaas waxaa lagu soo saaraa in aan ka mideysan nahay dhamaan tiirarka kala duwanaanshaheeda dadyowga dunida iska hor keena; sida diinta, midabka afka IKK.

Qofka Soomaaliga ah asal ahaan waa qof Muslim ah, gaar ahaan waa qof Sunni ah. Soomaaliya ka hor burburkii dalka waxaa ka jiray hal mad-had oo ka mid ah madaahibta saxiixa ah ee afarta ah, taasoo ahayd Shaaficiya. Waxey taas ilaah mahaddii noo suura galisay in dalkeena laga waayo kooxda Shiicada ee meelo badan oo Bariga Dhexe ah ku badan. Soomaalida xilligii hore marka ay arkaan qof Muslim ah oo ay wax aysan aqoon ama ku cusub ku arkaan waxa ay dhihi jireen ‘qofkaani waa Shiico’ taasoo muujineysay in aad uga foojignaayeen Shiicanimada, iska daa in ay ka mid noqdaan’e.

Sidoo kale Gaalada korka cad ayey Soomaalida taxaddar weyn ka muujin jirtay, oo sida meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah laga soo weriyey, waxaa Soomaalidii hore iskala weynaayeen in xitaa ay gacanta ku salaamaan dadka cad cad, oo qaar la sheegay in ay iska dhaqi jireen gacmaha, haddiiba ay dhacdo in ay taabtaan ama salaamaan. Waxaa dhaqankan uu horseeday in Soomaaliya lagu guuleysan waayo in laga abuuro kooxo aan Muslim aheyn oo meel gaar ah deggan.

Haddaba beryahan dambe oo ay dadkeenu ku badatay baahida, baro kaca, amni darrada iyo shaqo la’aanta, qaarkeena iimaanka (ilaaheey nagam qaado’e) wax waliba ka dooranay mansab iyo xoolo jaceyl, waxaa nagu soo batay in qoloba meel loo jiito oo dadkeenii siyaabo badan wax waliba looga beddelo.

Marka qofka Soomaaliga ah oo Muslimka ah oo Sunniga ah, heystana mad-habka Shaaficiga loo diro waxbarasho tusaale ahaan dalka Iiraan, qofkaasi waxa ay u badan tahay in ay soo noqdaan ayaga oo leh waxaan nahay Shiico (Ma ahan kulligood).

Marka qofka Soomaaliga ah oo Muslimka ah, Sunniga ah, heystana mad-habka Shaaficiga, uu u baxo dacwo gaar ahaan u raaco jameecada Tabliiqa xaruntooda ugu weyn ee Pakistan, waxaa uu qofkaas soo noqdaa isaga oo leh ‘Hadaan anagu nahay Xanafiya, sidaa baanu qabnaa’ (Maahan dhamaantood), markaas waxa uu ka guuray mad-habkii kale ee Shaaficiga ee laga heystay Soomaaliya.

Sidaas oo kale marka qofka Soomaaliga ah ee xoogsi ama aqoon kale u tegay dalka Sacuudiga, waxa uu soo laabtaa  isagoo heysta mad-habka Xanbaliyada, waliba ka guuray mad-habkii laga heystay Soomaaliya ee ahaa Shaaficiga (Maahan dhamaantood).

Marka qofka Soomaaliga ah ee sidaas oo kale Muslimka Sunniga ahaa, loogu diro dalalka Yurubta iyo meelo kale, waxbarasho ama carbisyo milateri iwm, sida Ruushka iyo Talyaaniga, qofkaasi waxa uu soo laabtaa isaga oo salaadda la tukado u arka foorarsi iyo wax aan macno lahayn, (Maahan dhamaantood) markaana salaanta Islaamka ka carooda haddii lagu salaamo, sida aan marar badan goob joog ka ahaa.

Haddaba qofkaas Soomaaliga ah ee wax walbo uu heysto sahal uga guuraya maxaa keeni kara oo asal u ah in inteena badan aan dalka kula soo laabano afkaaro ka duwan kuwii hore dalkeena uga jiray, oo waliba aan u soo kordhinaa dalka khilaaf iyo muran diini ah iyo mid maaddi ahba?

Arrinaas u malayn maayo in macno kale ay leedahay oo aan ka ahayn in marka hore ay yar tahay wax aan ilaashano ama aysan jirinba wax aan difaacano. Waxaana ugu weyn damac ama hunguri, oo qof waliba doonayo inuu dalka kula soo laabto wax laga soo iibiyey.

Ogow aqoonta iyo deeqaha waxbarasho si bilaash la iskuma siiyo oo qaar badan oo aan lacag la dhiibin waxaa lagu beddeshaa faafinta afkaaraha dalka wax laga soo baranayo. Adduunka oo dhan waxaasi waa lagu sameeyaa waana dhacdaa in afkaaraha nalagu wada faafiyo anaga oo dadyow kale la nool ama wax la baraneyna, balse waxaan kaga duwan nahay in aan lahayn dowlad ilaalisa afkaaraha dibadaha laga soo diro.

Waddamada qaar lagulama laaban karo afkaaro shisheeye haddii ardaydooda ama culumadooda wax ku soo bartaan meel kale. Soomaaliya xilligii kacaanka inkastoo qudhooda, waa kacaankee, ay sideen afkaaro Shuuci ah oo dibadda ka yimid, haddana waxa ay hor taagnaayeen afkaaro kale oo badan oo dalka dib ugu faafay, waliba waxa ay kacaanku hor taagnaayeen afkaaro ayaga ka saxan una roonaa bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Hadda waxaas oo dhan waxaa ka soo gudbay oo darbiga soo jabsaday faafin diin aan Islaam ahayn oo Kirishtaan ah iyo koox Shiico ah. Arrinta Kirishtaanka iyo faafintiisa ayadu si toos ah oo bareer ah dalka ugama socoto ogaanteey, haddii ay hay’ado jiraanna waa laga yaaba in a qarsoon yihiin, balse waxa ay u badan yihiin dalka dibaddiisa, haba ugu badnaato xeryaha qaxootiga oo baahi badan oo ka jirta u adeegsadaan in ay ku dhex faafiyaan.

Tan Shiicadu waxeedu waa bareer cad, oo xataa waxa ay dalka ku leeyihiin garabyo siyaasi ah, oo ay damacsan yihiin in ay talada dalka dhaqaale ugu kaalmeeyaan sidii ay u qabsan lahaayeen. Sidaasoo kale Iiraantu waxa ay leedahay kooxo badan oo bulshada laga dhex yaqaano hase ahaatee iyaga isa soo bandhigi doona, marka codeyntu bilaabato.

Waxaa kaloo jirta intaas oo dhan kaalmeysay afkaar aad uga xoog badan oo iskeed u faaftay, aniga ahaana aan garaneyn cidda maal gelisay ee xoogga u yeeshay afkaartaas. Waliba waa aragtida masuulka ka ah in wax waliba nagu dhex faafaan oo aan ka dhimano damiirka, oo maxey tahay taasi?

Waa qabyaaladda oo ah sunta ama kaankarada noo jebisay cadowga, na dulleeysa, oo wax waliba naga iibisay. Qabyaaladda waqtiga casriga ah waxa ay noo durjisay heer dalkeena la beeciyo, bad iyo berriba. Ciidanka shisheeye ee dalka jooga xataa waxaa loo kala wataa qaab heyb qabiil ah oo cidna kama qarsoona. U malayn maayo inuu jiro qof jecel Tigree iyo Kukuuya, hase ahaatee waxaa ay noqotay gaashaan qabiilba qabiilka kale uga gambado.

Bal wax yar xusuuso Jeneraal Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan ah waxa uu mar waliba ka qeyb gali jiray go’aanada shirarka iyo talo bixinta masiirka dalkeena. Hadda shaqadaas waxaa ku soo biiray safiirka dalka Imaaraadka u jooga Soomaaliya Maxamed Cusmaan Al-xamadi oo hadda la soo baxay shaqo la mid ah tii Gabre ee aan u taag weynay.

Safiirka Imaaraadka Maxamed Cusmaan Al-xamadi waxaa uu maalin waliba si gooni gooni ah ula shiraa wasiirada dowladda Federaalka, taliyeyaasha ciidamada dalka iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada. Waxaas oo dhan, oo ay uga horeeyeen saraakiisha xafiiska xog-hayaha QM ee Soomaaliya, waxa ay qeyb ka yihiin daba-gedinta iyo iib geynta sharafta Soomaaliyeed. Imaaraadka waxaa si gaar ah loogu tuhmayaa in ay gobolada Soomaaliya ay geeyeen hub iyo gawaari lagu tababaro ciidan ay doonayaan in ay geeyaan oo ka dagaalamaan dalka Yemen, walo la sheego in ayba mar hore kaxeysteen dhalinyaro Soomaali ah.

Haddaba heerka nuucaas ee aan maanta taagan nahay, sidee uga bixi karnaa ama uga gaashaamannaa in aan noqono bulsho wax waliba lagu dhex faafiyo, dan waliba laga yeesho, ayadoo la adeegsanayo baahida aan qabno.

Sideen baahideena uga dhiganaa mid aan u dhimano, halkii aan ku beddeli lahayn ama iibin lahayn dhaqankeena sharafta badan?

Aniga ahaan aragtideyda waxaan ku soo koobi lahaa, si aan u noqono dad waxooda ilaashada adduunkana la saan qaada.

1 – Marka hore inaan yeelano wax na mideeya hadaan Soomaali nahay, waan heysanaa laakiin waa aan baabi’inay, waana diinta, dhaqanka, midabka iyo afka. Intaas haddii ay dhab naga tahay inaan wadaagno, waan ka adkaan karnaa dadka dabar-goynta nagu haya.

2 – In aan ka xorowno qabiilka, waayo qabiilka nama mideyn karo ee waa uu na kala fur furaa, waayo marka anagoo afar qof oo meel wada joogno ah, ay saddex naga mid ah qabiil isku raacaan, ma ahan in ayagana midoobeen, oo qabiilkii halkaas kuma dhamaane, saddexdii ayaa sii kale baxeysa oo qansax iyo qurac ayaa is raacay oo midkii saddexaad baa haray, ilaa heerka ugu hooseeya ee qoys ayey qabyaaladdu sii kala baxeysaa, oo waxaa lagu tilmaamaa sida basasha oo kale; basashu uguma tageysid miro ama wax kale oo ka duwan waxa dusha ay ka tahay, kaliya qobkii kore oo kale ayaad fiiqeysaa ilaa aad qob qob u kala dhigto, waxa ugu hooseeyaa waxa uu la mid yahay qobkii hore. Haddaba qabyaaladdu waa taa na kala furfurtay ee Axmaar, Kukuya iyo Carab ay maanta suuqa na dhigeen, waa inaan taas ka waantoownaa.

3 – In aan is cafino, waayo qofka marka wax waliba oo xumaan ah aad isku sameyseen, waddada kaliya ee aad qaluubtiina isku gu soo duwi kartaan waa in aan is cafino. Is cafinta waxaa ka mid ah inaan maalin joogta ah aan sheegin waxaas baa nalagu sameeyey, ama xaqeenii baa maqan. Marka la is cafiyo xaqa cid waliba ka maqan wuu imaanayaa, inkastoo anaga dhaqanka dowliga ah oo dhanba aan ka yeelanay xaq qabiil leeyahay; adduunka taas kama jirto, waa waxa na dulleeyey.

Ugu dambeyn masuuliyadda ugu weyn waxaa iska leh culumada, ayaga marka ay ka wareertay ayaa umaddiina wareertay. Fatwooyin xamaasadeysan ayaa shacabkii oo dhamaantood wada Muslim lagu harqiyey. Taas haddii ay culumada garowsato, waxaa ay dib u helaysaa aaminaaddii shacabka, oo hadda in badan ka luntay.

Marka uu hungurigu na hoggaamiyey ayaan nafteenii iyo sharafteenii beecinay, waxaana ku soo iibsanaya musiimo oo waan kala guurnay, Kukuya iyo Amxaarana ceyriinka ayey nagu cunayaan.

Yusuf Shuqale Hassan.

Twitter@shuqale