Intii u dhexeysa sanidihii 2024 ilaa hadda 2026, iskaashiga tamarta ee Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu galay marxalad dhab ah. Waxaa la saxiixay heshiisyo is-daba-joog ah oo daboolaya sahaminta, horumarinta iyo qodista shidaalka badda (offshore) iyo dhulka (onshore). Hawsha sahminta badda waxaa fulinaya Turkish Petroleum Corporation (TPAO), iyadoo markabka seismic-ka Oruç Reis uu sameeyay sahamin 3D seismic oo lagu sawirayo qaabka dhulka hoostiisa iyo badda. Xogta la ururiyay ayaa loo qaaday falanqayn farsamo si loo go’aamiyo meelaha qodista tijaabada ah lagu bilaabi karo. Warbixinno caalami ah ayaa sidoo kale tilmaamay in Turkigu qorsheynayo qodista biyo-dheer kii ugu horreysa ee dibadda (Somalia), taas oo ka dhigan tallaabo ka gudbaysa sahamin una sii jeedda xaqiijin wax-soo-saar.
Dhinaca dhulka, heshiisyo onshore ah ayaa u oggolaanaya TPAO inay ka shaqeyso “blocks” dhuleed si loo qiimeeyo saliid iyo gaas suurtagal ah. Isku darka sahminta badda iyo dhulka wuxuu muujinayaa in mashruucu yahay mid ballaaran oo qorshihiisu dheer yahay, kana tarjumaya istiraatiijiyad ku dhisan xog, tijaabo, iyo horumar tillaabo-tillaabo ah.
Sida shidaalku Soomaaliya uga dhigi karo dal WEYN
Haddii sahminta iyo qodistu keenaan helitaan ganacsi ahaan macquul ah, shidaalku wuxuu Soomaaliya siin karaa fursad dhaqaale oo taariikhi ah: dakhli dowladeed oo kordha, shaqo-abuur (toos iyo mid dadban), maalgashi kaabayaal (dekedo, waddooyin, koronto), iyo kalsooni maalgashi oo caalami ah. Si kastaba, qubarradu waxay isku raacsan yihiin in faa’iidada dhabta ahi ay ku xirnaan doonto sida loo maamulo dakhliga iyo heshiisyada, ee aysan ku xirnayn helitaanka shidaalka oo keliya.
Cilmi-baaris caalami ah ayaa muujisay in dalalka si hufan u maamula kheyraadkooda, iyagoo leh sharciyo cad, hay’ado awood leh, iyo miisaaniyad mas’uul ah—ay ka gaaraan korriin waara. Halkaas ayay Soomaaliya fursad u leedahay: inay shidaalka ka dhigto “matoor” kobciya wax-soo-saarka, waxbarashada, caafimaadka, iyo amniga, halkii uu ka noqon lahaa il muran iyo ku-tiirsanaan hal-il ah.
Dalal leh shidaal welina sabool ah sida Nigeria
Nigeria waa tusaale cad oo muujinaya in shidaal badan uusan si toos ah u keenin barwaaqo. Inkastoo ay ka mid tahay dalalka Afrika ugu wax-soo-saarka badan saliidda, haddana saboolnimo baahsan, musuqmaasuq, iyo adeegyo liita ayaa ka jira. Warbixinno ay daabaceen hay’ado caalami ah sida World Bank ayaa muujinaya in dakhliga saliidda uusan si ku filan ugu wareegin adeegyada bulshada, isla markaana dhaqaalaha uu noqday mid si xad-dhaaf ah ugu tiirsan hal il.
Qibradda Nigeria waxay sidoo kale muujisay dhibaatooyin kale: “Dutch disease” (qaybaha kale ee dhaqaalaha oo daciifa), khilaafaad deegaan iyo bulsho (sida Niger Delta), iyo siyaasadda oo isu beddesha tartan kheyraad. Tani waa digniin cad oo ku socota dal kasta oo bilowga shidaalka jooga.
Sidee Soomaaliya uga fogaan karta guul darradan oo kale?
Haddii aan si xeel dheer loo diyaarin, Soomaaliya waxay wajihi kartaa halis la mid ah: hufnaan la’aan heshiisyo, dakhli oo ku urura kooxo yar, muran federaal/gobol oo ku saabsan qaybsiga, iyo dhaqaalaha oo ku tiirsama hal il. Si taas looga fogaado, tallaabooyin cad ayaa lama huraan ah:
Hufnaan iyo xisaabtan: Heshiisyada iyo dakhliga waa in si joogto ah loo daabaco, lana mariyo baarlamaan iyo hay’ado audit madax-bannaan. Ku biirista halbeegyada caalamiga ah sida Extractive Industries Transparency Initiative (EITI) waxay kordhin kartaa kalsoonida dadweynaha.
Sanduuq Qaran (Sovereign Wealth Fund): Si dakhliga shidaalka loo keydiyo looguna maalgashado jiilal badan, iyadoo laga fogaanayo “cunid degdeg ah.”
Qaybsiga dakhliga oo caddaalad ah: In si sharci ah loo qeexo saamiga dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada, iyo adeegyada bulshada.
Kala-duwanaansho dhaqaale: Shidaalka ha noqdo matoorka kicinta beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, ganacsiga, iyo warshadaha fudud—si marka qiimaha shidaalku hoos u dhaco uusan dalka u dhaawacmin.
Ilaalinta deegaanka iyo ka-qaybgalka bulshada: Si looga hortago dhibaatooyin deegaan iyo bulsho.
Awood-dhis Soomaali leedahay: Tababar iyo xirfad-kororsi (sharci, maaliyad, injineernimo) si kormeerka iyo gorgortanku u noqdaan kuwo gudaha ah.
Ugu dambeeyn mashruuca shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya maanta wuxuu u muuqdaa mid si nidaamsan u socda—sahamin la sameeyay, xog la falanqeeyay, iyo diyaar-garow qodis oo muuqda. Si kastaba, su’aasha weyn ma aha “ma helnay shidaal?” ee waa “sidee uga faa’iideysan doonnaa?” Haddii Soomaaliya doorato hufnaan, caddaalad, iyo maalgashi wax-soo-saar, shidaalku wuxuu noqon karaa albaab barwaaqo; haddii kale, wuxuu halis u noqon karaa in lagu celiyo qaladaadkii ay galeen dalal kale. Doorashadu waxay ku jirtaa sida maanta loo qorsheeyo berrito.
W.Q. Yusuf Shuqale
yhamari@gmail.com


